Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday Heshiis deyn cafin ah+sawirro.

Date:

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo sii hayaha wasiiirka maaliyada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kala saxiixday heshiis labo geesood kaas oo lagu dhimayo dibna loogu qaabeynayo deyn Soomaaliya ay ku leeyihiin sadax hey’adood oo Dowladda mareykanka ah,waxaana heshiiskan goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafisay qeybtii uga soo aadday deyn cafintii dalalka Naadiga Paris.

“Sharaf ayay ii tahay in aan maanta la saxiixanay Dowladda Mareykanka Heshiis uu nooga cafiyay qaar ka mid ah deymihii uu Soomaaliya ku lahaa, iyadoo la fulanayo natiijada heshiiskii ay gaareen wadamada Paris Club oo Soomaaliya ka saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ahaa heshisika ayaa Dowladda Mareynkanka  ugu mahadceliyey deyn cafinta, wuxuuna  sidoo kale ku bogaadayay safiirka Mareynkanka sida ay markasta u garab yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

“Saxiixa heshiiskan waxaa suurto gal ka dhigay Soomaaliya oo hirgalisay dib u habeyn dhaqaale oo muhiim ah islamarkaana gaartay bishii Maarso ee sanadkan 2020 marxaladii ugu horeysay ee deyn cafinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda Mareynkanka ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...