Bulshada reer Hobyo oo dib dhisaya xarumaha danta Guud.

Date:

Maamulka iyo bulshada magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa wada dadaallo lagu dhisayo xarumaha danta guud iyagoo dib u dhis Is-xilqaan ah ku sameeyay masjidka Jaamaca Hoybo oo dhisnaa muddo 107-sano ah.

Maxamed Axmed Sahal oo kamid ah odayaasha dagmada Hobyo xilligii dowladdii dhexena soo noqday guddoomiyaha dagmadaas ayaa warbaahinta Qaranka uga sheekeeyay taariikhda masjidka isagoo tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in dib loo dhiso muddo kaddib.

Xoghayaha maamulka dagmada Hobyo Macalin Mursal Maxamuud Aadan ayaa bulshada Hobyo uga mahadceliyay sida ay diyaar ugu yihiin in Is-xilqaan lagu dhiso goobaha danta guud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...