Khasaare ka dhashay dhismo seddex dabaq ah oo ku burburay dalka Hindiya.

Date:

Dhismo 3-dabaq ah oo ku yiillay duleedka magaalada Mombaay ayaasubaxnimadii saaka burburay, halkaasi oo ay ku dhinteen llaa 8-ruux, sida laga soo xigtay warar ka soo baxay gudaha dalkaasi.

Burburka dhismahaasi ayaa yimid xilli ay dad badan oo deganaa halkaasi ay ahaayeen kuwo hurda,waxaana warku intaa ku daray in dad gaaraya 20-25-ruux ay ku xayiran yihiin dhismaha burburay hootiisa.

Shaqaale kuwa gargaarka deg degga ah iyo koox badbaadiyaal ah ayaa gaaray dhismahaasi burburay oo ku yaalla magaalada Bhiwandi  oo 40-km  u jira Magaalada Mombaay.

Bishii la soo dhaafay, ugu yaraan 13 qof ayaa dhimatay ka dib markii dhismo shan dabaq ah uu ku dumey Mahad, oo ah magaalo warshadeed165-km ka xigta Mumbai.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...