Tirada dhimashada daadadka Sudan oo gaartay 121 qof. 

Date:

Ciidamada Difaaca Madaniga ah ee Suudaan ayaa shaaciyey in tirada dadka ku dhintay daadadka dalkaas ay gaareen 121 qof, Afhayeenka Golaha Qaranka ee Difaaca Madaniga ah ee Suudaan, Col Cabdul Jalil C/raxiim, ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in waxyeello weyn ay ka soo gaartay dhulalka beeraha ee gobollo dhowr ah, isagoo carabka ku adkeeyay in kooxaha difaaca madaniga ah ay ka shaqeynayaan sidii loo xaddidi lahaa saameynta masiibada.

Dhanka kale, Gudiga Sare ee Xaaladaha Degdegga ee Suudaan waxay shaaciyeen in dhammaan gobollada dalka ay hadda saameeyeen daadad, iyagoo xusay in Caasimadda Khartuum ay ugu badantahay marka la fiiriyo saamaaynta.

Wasiirka shaqada iyo horumarinta bulshada iyo madaxa guddiga sare ee xaaladaha deg degga, Liina Al-Sheikh, ayaa sheegtay in tirada dadka ay dhibaatadu saameysey ay hada kor u dhaaftay in ka badan 770 kun oo qof guud ahaan gobolada kala duwan ee dalka Suudaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Shacabka iyo Dowladda Pakistan,kadib qarax lala beegsaday masaajid ku yaalla Islamabad

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si qoto dheer ula wadaagaysaa...

NISA oo burburisay xarumihii khawaarijta ee gobolka jubbaada dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

MADAXWEYNAHA JFS OO GAARAY MAGAALADA DOHA EE DALKA QATAR

Doha, Febaraayo, 06,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Duqa Muqdisho oo horkacayay olole nadaafadeed oo maanta laga sameeyay Xeebta Liido

Muqdisho, Febraayo 06, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...