Howl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta oo ka qeyb galay ololaha Is-xilqaan.

Date:

Howl-wadeennada iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay wijiga labaad wareegga 15-aad ee ololaha Is-xilqaan oo lagu dhisayo goobaha danta guud ee dalka.

Shaqaalaha iyo mas’uuliyiin wasaaradda ayaa iyagoo gudanaya waajibaadka ka saaran dib u dhiska dalka waxey saaka ka howlgaleen xarunta Maktabadda Qaranka oo dhismaheedu marayo heer gebo-gabo ah.

Ololaha Is-xilqaan oo loogu tala-galay in dib loogu dhiso goobaha danta guud ee ku burburay dagaaladii ka dhacay dalka ayaa waxaa laga gaaray guulo ay kamid  yihiin dib u dhiska Tiyaatarka,Madxafka,Garoonka Muqdisho Stadium iyo goobo kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Awqaafta oo kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...