Deg deg: Diyaarad xamuul oo ku dhacday garoonka Muqdisho.

Date:

Diyaarad nuuca xamuulka qaada oo ay leedahay shirkadda Sky ward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka Aadan Cadde, walina lama cadaynin qasaaraha ka dhashay, sida uu soo tabiyey wariye ka tirsan SONNA.

Diyaaradda ayaa magaalada Baladweyne u qaadday xamuul, balse waxay dib ugu laabatay Muqdisho, markii cilladi soo wajahday, waxaana saarnaa 4-qof oo duuliyeyaasha iyo shaqaale isugu jira, waxaana maamulka garoonku xaqiijiyey inay bad qabaan.

Hawlwadeenada garoonka diyaaradda ayaa hadda wada hawlo diyaaradda loogana qaadayo qaybta Run-wayga, 05, ee xalane xigta si aysan u xanibin diyaaradaha kale ee garoonka imaanaya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...