Ciidamada Afgambiyay Xukuumaddii Mali oo qrsheynaya dhisidda Dowlad rayid ah.

Date:

Kooxda ciidanka ah ee afgambiga kula wareegtay dalka Mali ayaa billaabay qorshe ay ku magacaabayaan Madaxweyne ku meel gaar ah.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii madaxda wadamada galbeedka afrika ay ku hanjabeen in ay cunaqateyn saari doonaan dalka aan badda laheyn ee Mali hadii aan awooda shacabka lagu wareejin .

Ururka ay ku mideysan yihiin waddamada galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa muddo isbuuc ah u qabtay ciidanka Mali in ay ku dhisaan madaxweyne rayid ah.

Kooxda ciidanka ee talada heysa ayaa doonaya in 18 bilood ay kor ka maamulaan doowlad rayid oo ku meel gaar ah balse waxaa arintaasi diiday mucaaradka.

Bishii August ee sanadkan ayaa ciidanku afgambiyeen dowladdii shacabka ahayd ee la soo doortay iyaga oo sheegay in ay musuq baahsan dalka ka waday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...