200 oo Maxbuus oo ka baxsatay Xabsi ku Yaalla Uganda.

Date:

In ka badan 200 oo maxbuus ayaa ka baxsatay Xabsi ku yaalla waqooyiga bari ee Uganda, sida ay saraakiishu sheegeen, waxay intaas ku dareen in ciidanka amniga ay baadi goobayaan maxaabiista baxsatay.

Maxaabiista ayaa dilay mid kamid ah ilaalada, ka hor inta aysan jabin jeelka Moroto, waxayna u jahaysteen dhanka buuraha oo magaalada  xabsiga ku yaalo ku hareereysan.

Ciidanka iyo saraakiisha Xabsiga ayaa ku howlan baadi-goobka maxaabiista fakatay, kuwaas oo horey u qaatay 15 qori iyo rasaas badan.

Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa sheegay in labo kamid ah maxaabiista la soo qabtay ka dibna la dilay. Wakaaladda wararka AP waxay sheegtay in maxaabiista iska bixiyeen dharkii hurdiga ahaa ee maxaabiista, ka dibna ayagoo qaa qaawan ay buuraha ku carareen si aan loo soo qab qabanin.

Xabsiga Moroto waxaa uu ku yaala oogada sare ee buurta oo u dhow magaalada. Waana xabsiga ugu weyn magaalada Karamoja oo ku taala gobo taariikh ahaan dadkiisa Lo’da dhaqatada ahi isku dagaalaan, waxaana ku badan rabshada hubeysan.

Olole hub- ka dhigis ayay dowladdu ka bilowday gobolka horaantii 2000, hub fara badan ayaana soo galay gacanta dowladda laakiin waxaa wali ka dhacaya gobolka isku dhacyo goos goos ah oo u dhexeeya bulshooyinka degaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...