Booliiska oo Cadaado ku qabtay nin qey ka ahaa kiiskii marxuumad Xamdi Maxamed Faarax.

Date:

Taliye ku xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidanka Boliiska Galmudug howlgal ay xalay xilli dambe ka sameeyeen magaalada Cadaado ay ku soo qabteen, eedeysane Maxamed Ibraahim Cismaan oo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kiiskii marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, isla markaana uu falka kaddib ka baxsaday magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku  soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib”

Janaraal Sakiya ayaa shacabka Galmudug uga mahadcelisay gacanta ay ka siiyeen ciidanka Boliiska sidii loo soo qaban lahaa eedeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa sida ay sheegtay.

Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa dhawaan kooxo arxan daran waxey kufsi iyo dil ugu geysteen degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay Shirweynaha 15aad ee ARC oo ka dhacay Kigali

Magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda ayaa lagu qabtay...

Dowladda Soomaaliya oo ka digtay faafinta been abuurka iyo dacaayadaha khawaarijta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka warhaysaa baraha bulshada iyo...

Wasaaradda Shaqada XFS oo Hambalyo u dirtay dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Soomaaliya ee Ganacsiga oo kula la yeeshay Safiirka dalka Qatar 

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...