Booliiska oo Cadaado ku qabtay nin qey ka ahaa kiiskii marxuumad Xamdi Maxamed Faarax.

Date:

Taliye ku xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidanka Boliiska Galmudug howlgal ay xalay xilli dambe ka sameeyeen magaalada Cadaado ay ku soo qabteen, eedeysane Maxamed Ibraahim Cismaan oo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kiiskii marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, isla markaana uu falka kaddib ka baxsaday magaalada Muqdisho.

โ€œCiidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado kuย  soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dibโ€

Janaraal Sakiya ayaa shacabka Galmudug uga mahadcelisay gacanta ay ka siiyeen ciidanka Boliiska sidii loo soo qaban lahaa eedeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa sida ay sheegtay.

Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa dhawaan kooxo arxan daran waxey kufsi iyo dil ugu geysteen degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...