Haweenka Gobolka Bnaadir oo kullan duco ah u sameeyay Xamdi Maxamed Faarax [sawirro]

Date:

Kulan baroor diiq ah oo loogu duceynayay allaha u naxariistee marxuumad, Xamdi Maxamed Faarax oo dhawaan kufsi iyo dil ay u geysteen kooxo arxan laawayaal ah ayna soo qaban qaabiyeen ururka haweenka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Haweenka kasoo qeyb galay kulanka oo ay kamid ahaayeen,xildhibaanno,guddoomiyaha degmada Warta nabadda, aqoonyahano qeybaha kale ee bulshada ayaa watay halku dhigyo ka turjumayo qaabka ay uga xunyihiin kufsiga soo laalaabtay.

Guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Maxamuud Jaamac (Jawaahir Baarqab) oo ka hadashay madasha ayaa ka codsatay madaxda dalka in la horkeeno caddaaladda dadkii ka dambeeyay falka wuxuushnimada lahaa ee lagula kacay Marxuumad, Xamdi Maxamed Faarax oo ahayd gabar da’yar oo sannadkaan dhameysay dugsiga sare.

Boliiska Soomaaliya ayaa shalay sheegay in 11 eedeysane loo hayo kiiska Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, iyagoo tilmaamay in baaritaanku uu meel wanaagsan marayo ciddii ka dambeysay falkaasna caddaaladda la marsiin doono.

                    

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...