Maxkamadda Dastuurka dalka Ivory Coast oo ogolaatay Musharaxnimada Madaxweyne Alassane Ouattara.

Date:

Maxkamadda dastuuriga dalka Ivory Coast ayaa ogolaatay in madaxweyne Alassane Ouattara uu u tartami kado markii sadexaad jagada madaxtinimada dalkaas oo dhici doonta 31 bisha soo socota ee October, inkastoo mucaaradka sheegeen in musharaxnimada madaxweynaha ay khatar gelinayso dimoqraadiyada dalka dhaca galbeedka Afrika.

Dastuurka dalka ayaa dhigaya in madaxweynaha labo xilli oo keli ah loo ogol yahay in uu isu soo taago madaxtinimada laakiin madaxweyne Ouattara ayaa ku doodaya in wax ka bedelkii dastuurka lagu sameeyay 2016 uu u saamaxayo in mar sadexaad isu soo sharaxo xilkan.

Guddiga doorashooyinka ayaa liiska 44 musharax ka soo reebay afar keliya waxaana dadka loo diiday in ay tartanka ka qeybgalaan kamid ah madaxweynihii hore ee dalkaas Laurent Gbagbo iyo hoggaamiye kooxeed hore oo lagu magacaabo Guillaume Soro.

Isniintii booliiska iyo mudaaharaadiyaal ka soo hor jeeda madaxweyne Ouattara ayaa isku dhacay, banaan baxayaasha ayaa waddooyinka xiray kuwaas oo booliisku kala ceyriyeen.

Madaxweyne Ouattara ayaa bishii Maarso ee sanadkan sheegay in uusan ka qeybgali doonin tartanka doorashada laakiin wax kasta ayaa isbedeley markii uu geeriyooday musharaxii xisbiga talada haya ee dalka Ivory Coast.

2010 dalka Ivory Coast waxaa ka dhacay dagaal sokeeyay oo ay ku dhinteen 3,000 oo ruux rabshadaha ayaa ka dambeeyay markii madaxweynihi xilligaas ee Laurent Gbagbo uu diiday in doorashada looga adkaaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...