Imaaraadka iyo Israel oo maalinta birrito ah heshiiska xirirkooda ku saxiixi doono Aqalka cad.

Date:

Wufuud ka kala socta Israel iyo UAE ayaa gaaray caasimada Maraykanka ee Washington, si ay u meel mariyaan heshiiski ay dhawaan wada gareen, xafladda saxiixa heshiiskaasi ayaa dhici doonta maalinta Talaadada ah ee soo socota sida la qorsheeyay.

Ra’iisul Wasaaraha Israel  Benjamin Netanyahu ayaa horay u sheegay in heshiiskan ay la saxiixanayaan Imaaraadka iyo Baxreyn uu ka dhci doona Washington, dhankoodana ay kaga bixi doonto dhaqaala badan.

Netanyahu ayaa arrintaa ka hadlay inta uusan raacin dayaaraddii   ka qadeeysay Telabiib kuna sii jeeday Washington, si uu uga qaybgalo xafladda saxiixa heshiiskii ay kal hore la galeen Imaaraadka iyo Baxreyn, ee uu garwadeen ka ahaa Mareykanka.

Wakaaladda wararka Imaraadka ee (WAM) ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Imaraadka Abdullah bin Zaayid Al Nahyan, uu gaaray caasimadda Mareykanka isaga oo horkacaya  wafdi rasmi ah oo ay ku jiraan saraakiil sar-sare, si ay uga qeybqaataan saxiixa heshiiska diblomaasiyadeed ee lala galay Israa’iil.

Wakaaladda ayaa ku warantay in  wafdiga ay ka mid yihiin Wasiirka Dhaqaalaha iyo Warshadaha, Safiirka Imaaraadka u fadhiya Mareykanka iyo kan Qaramada Midoobay u fadhiya.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibada Hungary, ayaa la xaqiijiyay in uu noqon doono wasiirka kaliya ee wasiirada arimaha dibada  wadamada xubnaha ka ah midowga Yurub ee kaqeyb galaya xaflada saxiixa heshiiskan udhaxeeya Imaaraadka, Baxreyn iyo Israa’iil.

Afhayeen u hadlay Wasiirka Arimaha Dibada Hungary Peter Zegarto ayaa wakaaladda wararka Hungary ee (MTI in)  u sheegay in wasiirka uu casuumaad ka helay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, si uu ugu qeyb galo xaflada saxiixa  heshiiska ee lagu qaban doono Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

Waddamo ay ka mid yahiin France iyo UK ayaa soo dhaweyay heshiiskan, sidoo kale gudiga fulinta ee midowga Yurub oo soo dhaweeyay heshiiskan sheegayna in dhaqangalka heshiiskan uu muhiim u yahay xasiloonida gobolka.

Dhanka kale, Ururka Culimada Muslimiinta ayaa cambaareeyay heshiiska dhexmaray Baxreyn iyo Imaaraadka iyo Israel.

Xoghayaha Guud ee Xiriirka Culimada Islaamka Dr. Cali Al-Qaradaaci ayaa carrabka ku adkeeyay in aarinkan uu daba socda qabsashada Qudus ee ay ka aamuseen Muslimiinta Caalamka, iyo in waddamad Carabta ay dhagaha ka fureysteen dulaanka har iyo habeen lagu hayo shacabka Falastiin.

Hadalladan ayaa yimid kadib markii  Baxrayn ay ku dhawaaqday Jimcihii inay xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa ay la yeelaneeyso Israel,  si ay ula mid noqoto Imaaraadka Carabta oo hore tallaabo tan la mid ugu dhawaaqay 13-kii bishii August ee sanadkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...