Kiisas cusub oo Covid-19 ah ayaa laga helay South Africa.

Date:

Dalka Koofur Afrika waxaa la diiwaan geliyay 1,816 kiisas cusub oo coronavirus Sabtidii iyadoo 49 qof u geeriyoodeen COVID-19, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Zweli Mkhize.

Ku dhowaad afar milyan oo qof ayaa laga baaray safmarka tan iyo markii kiiskii ugu horreeyay dalka laga soo sheegay bishii Maarso. Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in  18,620 oo kiis la diiwaan geliyay 24 saac ee la soo dhaafay, soo kabashada cudurka ee dalka Koofur Afrika ayaa hadda maraysa 88.9% taas oo ka dhigan in 576,423 qof ay ka bogsoodeen safmarka COVID-19.

Wasiirka caafimaadka oo horraantii Sabtida ka hadlayay kulanka howlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in tirada dhimashada ee xanuunka ay hoos u dhacayso.
Koofur Afrika ayaa ah dalka keliya ee sida daran u sameeyay safmarka COVID-19 qaaradda Afrika iyadoo kaalinta siddeedaad ka galay liiska safmarka saameeyay ee caalamka, 648,214 kiis ayaa laga heley iyadoo 15,427 qofna u geeriyoodeen.

Hoos u dhaca tirada kiisaska ayaa ka yar 3,000 marka loo bar bar dhigo bilihii Juun iyo Luul oo maalin kasta la diiwaan gelin jirey inta u dhexeysa 8,000 ilaa 10,000,
In ka badan 31,000 oo howlwadeeno caafimaad ayaa laga helay xanuunka waxaana u geeriyooday 240 oo shaqaale caafimaad ee dalka Koofur Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...