Ciidamada Danab oo khaarajiyay Horjoogihii Jubbada hoose u qaabilsanaa kooxda Al-shabaab.

Date:

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga gobolka Jubbada hoose waxey ku dileen Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagaxisada Al-shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Ismaciil Cabdi Maalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Kumaandooska Soomaliya ay Howlgal ka fuliyeen degaannada Dhisheeg-waamo,Maroodi-gubow iyo Dhaay unbow oo qiyaasti 75-km u jirta magaalada Kismaayo.

Taliyaha waxa uu sheegay in ciidamada Danab ay Howlgalka ku dileen labo Horjooge oo kala ah Xirow oo Nabadiidka Al-shabaab u qaabilsanaa degaanka Dhisheeg waamo, iyo Cabdi Maxamed Bashiir oo argagaxisada Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ย ayaa xusay in ay dhaawac u geysteen 11 Maleyshiyaad ah oo ka tirsan Nabadiidka, isagoo intaa raaciyay in sidoo kale Ciidamada Kumaandooska Danab ay burburiyey Saldhigyada Al-shabaab ay degaannadaasi ku lahayeen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...