Heshiis horudhac ah oo laga gaaray colaad beeleed ka taagneed Galgaduud.

Date:

Odayaal dhaqan oo joojin colaaddeed uga soo baxay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay inay heshiis horudhac ah dhex dhigaan maleeshiyo shalay ku dagaalantay deegaanka Xananbuure ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Qodobada heshiiska oo ah mid billow ah ayaa waxaa ka mid ah

1- in xabad joojin shuruud la’aan ah laga sameeyo deegaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle.

2- In maleeshiyaadka labada beel lakala qaado, kuna laabtaan barihii ay ka yimaadeen.

4- In Ciidamadda Xoogga dalka ay sugaan amniga deegaannadii lagu dagaalamay.

5- In la furo waddooyinka, lana soo celiyo xasiloonida deegaanka.

6- In la qabto kulan dib u heshiisiineed oo ballaaran, kaas oo lagu dhammaystirayo hawlaha harsan.

Ciidamada qaybta 21-aad ee xoogga dalka, Booliska Federaalka ee gobolkaas ka hawlgala iyo ciidanka nabad sugidda ayaa deegaannada lagu dagaalamay gaaray, waxaana ay ku guulaysteen inay colaadda joojiyaan, taas oo waxgaradka u suura galisay inay tallaabo u qaadaan dhinaca dib u heshiisiinta.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...