Heshiis horudhac ah oo laga gaaray colaad beeleed ka taagneed Galgaduud.

Date:

Odayaal dhaqan oo joojin colaaddeed uga soo baxay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay inay heshiis horudhac ah dhex dhigaan maleeshiyo shalay ku dagaalantay deegaanka Xananbuure ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Qodobada heshiiska oo ah mid billow ah ayaa waxaa ka mid ah

1- in xabad joojin shuruud la’aan ah laga sameeyo deegaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle.

2- In maleeshiyaadka labada beel lakala qaado, kuna laabtaan barihii ay ka yimaadeen.

4- In Ciidamadda Xoogga dalka ay sugaan amniga deegaannadii lagu dagaalamay.

5- In la furo waddooyinka, lana soo celiyo xasiloonida deegaanka.

6- In la qabto kulan dib u heshiisiineed oo ballaaran, kaas oo lagu dhammaystirayo hawlaha harsan.

Ciidamada qaybta 21-aad ee xoogga dalka, Booliska Federaalka ee gobolkaas ka hawlgala iyo ciidanka nabad sugidda ayaa deegaannada lagu dagaalamay gaaray, waxaana ay ku guulaysteen inay colaadda joojiyaan, taas oo waxgaradka u suura galisay inay tallaabo u qaadaan dhinaca dib u heshiisiinta.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...