Arday ka gashay kaalimaha hore Imtixaankii Dugsiga dhexe ee Bakool oo la abaalmariyay +Sawirro.

Date:

Xildhibaanno ka tirsan dowlad goboleedka Koofur galbeed iyo maamulka gobolka Bakool ayaa ka qeyb galay xaflad lagu  dhiirri galinayay 10-ka arday ee ugu sarreysa natiijada imtixaanka fasalka 8-aad  ee dugsiga dhexe, kaas oo ay qaadday wasaaradda waxbarashada Koofur galbeed.

Munaasabadda oo lagu qabtay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa lagu boggaadiyay guusha 10-ka arday ay ka gareen imtixaanka iyo dadaalladii ay muujiyeen.

Qaar kamid ah 10-ka arday ee ugu sarreeyay natiijada imtixaanka dugsiga dhexe ee Koofur galbeed oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin guusha ay soo hooyeen.

Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi oo ugu hambalyeeyay ardayda guusha ay gaareen ayaa bulshada faray in wacyigelin laga sameeyo meelaha aan waxbarashadu ka jirin, si loo fahmo qiimaha waxbarashada.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro,xildhibaanno, maamulka gobolka,golaha deegaanka  degmada Xudur, waalidiin iyo marti sharaf kale waxaana ugu dambeyn shahaado sharaf la guddoonsiiyay qaar kamid ah ardayda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo...