Maxaad kala socotaa halka uu marayo mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye +sawirro.

Date:

Isticmaalka waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waa marin muhiim ah, waxaana isaga kala goosha dhammaan gaadiidka u safra gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo ku soo dhaca degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Inkastoo waddadaasi ay burbursaneyd muddo 30 sano ku dhow ayaa haddana waxaa soconaya dadaalo ku aaddan dib u dhiska waddadaasi, mashruucaasi oo uu fulinayo Sanduuqa horumarinta (Qatar),kadib markii dowladda Soomaaliya ay isla garteen.

War ka soo baxay Sanduuqa hormarinta (Qatar) ayaa lagu sheegay in uu si habsami leh uu u socdo mashruuca lagu dhisayo waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye,waxaana talaabadan Sanduuqa horumarinta Qatar uu qaaday ay ka mid tahay qorshayaal dib loogu dhisayo waddooyinka kuyaalla gobollada dalka.

Kadib muddo dhowr billood ah oo uu hakad kujiray mashruuca dhismaha waddadaasi, ayaa haddana dhawaan dib loo bilaabay, iyadoo la arkayo howlwadeennada qaabilsan dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye isku xirta, kuwaasi oo adeegsanaya agab iyo gaadiid loogu talagalay fulinta howshaasi.

Qaab dhismeedka laamiga cusub ee la saarayo waddadaasi ayaa ah labo laami, oo loogu talagalay gawaarida soo socda ama kuwa sii socda ay isaga gudbaaan si fudud.

Mashaariicdaasi ayaa dhanka kale fursad shaqo abuur u ah dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dalka horumarkiisa ay qeyb weyn ka tahay.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...