Guddoomiyaha Aqalka sare oo gaaray Dhuusamareeb +Sawirro.

Date:

Guddoomiyaha aqalka sare e BFS ayaa gaaray Dhuusamareeb si uu’ uga
qaybgalo furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baaralamanka Galmudug.

Wafdiga Guddoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo u
badan Senataro ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada
Dhuusamereeb kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha golaha Wakiilada Galmudug
Maxamed Nuur Gacal, wasiiro iyo xildhibaano katirsan Galmudug iyo
shacabka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wafdiga Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa kamid ah madax lagu casuumay ka
qaybgalka xafladda furitaanka kalfadhiga 2-aad ee golaha Wakiilada
Galmudug oo caawa lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor
ayaa xafiiskiisa ku qaabailay wafdiga Guddoomiyaha Aqalka sare ee BFS
mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxaana soo dhaweyn kadib ay kawada
hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka oo muddooyinkii dambe ka socday magaalada Dhuusamareeb.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...