Guddoomiyaha Aqalka sare oo gaaray Dhuusamareeb +Sawirro.

Date:

Guddoomiyaha aqalka sare e BFS ayaa gaaray Dhuusamareeb si uu’ uga
qaybgalo furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baaralamanka Galmudug.

Wafdiga Guddoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo u
badan Senataro ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada
Dhuusamereeb kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha golaha Wakiilada Galmudug
Maxamed Nuur Gacal, wasiiro iyo xildhibaano katirsan Galmudug iyo
shacabka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wafdiga Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa kamid ah madax lagu casuumay ka
qaybgalka xafladda furitaanka kalfadhiga 2-aad ee golaha Wakiilada
Galmudug oo caawa lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor
ayaa xafiiskiisa ku qaabailay wafdiga Guddoomiyaha Aqalka sare ee BFS
mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxaana soo dhaweyn kadib ay kawada
hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka oo muddooyinkii dambe ka socday magaalada Dhuusamareeb.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...