Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay Safiirka Qatar ee Soomaaliya.+Sawirro.

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Goboleedka Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid oo jooga Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya Xassan Bin Xamsa.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arimaha hormarinta Galmudug iyo kaalinta ay Dowlada Qatar ka qadanayso dib u dhiska Hey’adaha kala duwan ee Dowlada Galmudug.

Sidoo kale waxaa la isku soo qaaday sidii Dowlada Qatar ay Galmudug uga caawin laheyd dhismaha ciidanka Darwiish Galmudug.

Ugu dambeyn kulankan ayaa waxaa uu ku soo dhammaaday is afgarad, waxaana Safirka Qatar uu Galmudug ku ammaanay horumarka ay sameysay muddadii koobneyd oo ay jirtay oo la xusi karo dadaallada ay ugu jirto dibu dhiska dalka iyo mideynta dadka Soomaaliyeed oo uu hormuud ka yahay Madaxweynaha Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaariye Qoorqoor.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire...

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay...