Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddiga Ku meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Maamulkaas.

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland kuwaas oo u gogol xaaraysa in  dowlad goboleedkaasi uu ka guuro nidaamka Codaynta golaha wakiilada lana gaaro in dadweynuhu codkooda dhiibtaan.

Madaxweynaha oo warbixin ka dhegaystay Guddiga ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee u qabsoontay, waxaana uu ku dhiirigeliyay in ay halkaasi kasii wadaan isagoo tilmaamay iney wax ka bedel ku sameeyaan Taariikh doorasheeda maamulkani ku dhaqmayey labaatankii sano ee lasoo dhafay.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay iney ka go’an tahay hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo uu sheegay inuu  hadda meel wanaagsan marayo , waxa uuna tilmamaay iney Xukuumadiisu ay  Guddiga  garab taagantahay , iyadoo la illaalinayo madax banaanidooda ay xaqa uleeyihiin.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...