Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddiga Ku meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Maamulkaas.

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland kuwaas oo u gogol xaaraysa in  dowlad goboleedkaasi uu ka guuro nidaamka Codaynta golaha wakiilada lana gaaro in dadweynuhu codkooda dhiibtaan.

Madaxweynaha oo warbixin ka dhegaystay Guddiga ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee u qabsoontay, waxaana uu ku dhiirigeliyay in ay halkaasi kasii wadaan isagoo tilmaamay iney wax ka bedel ku sameeyaan Taariikh doorasheeda maamulkani ku dhaqmayey labaatankii sano ee lasoo dhafay.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay iney ka go’an tahay hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo uu sheegay inuu  hadda meel wanaagsan marayo , waxa uuna tilmamaay iney Xukuumadiisu ay  Guddiga  garab taagantahay , iyadoo la illaalinayo madax banaanidooda ay xaqa uleeyihiin.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka amniga Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...