Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeeed oo dilay Saddex ka tirsanaa Al-Shabaab.

Date:

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ugu yaraan Saddex ka tirsan kooxda Al-Shabaab waxay ku dileen Tuulada Ceel-geeloow xilli ay Miino ku aasayeen Waddada, ka dib howl-gal ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le; Ismaaciil Cabdimaalik ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howl-galka uu ujeedkiisu ahaa ka sifeynta Argagixisada Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kuwaas oo dhibaateeya Dadka shacabka ah ee safarka ah iyo Gaadiidka ay la socdaan.

G/le; Ismaaciil ayaa sheegay intii ay howl-galka ku jireen in ay kusoo saareen Miinooyin ay Argagixisada Al-shabaab galiyeen inta udhexeeysa Balcad iyo Jowhar, isagoo wacad ku maray in ay cadawga ka sifeyn doonaan halkaasi iyagoo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...