Boliiska Caabudwaaq oo qabtay Maandooriyeyaal+Sawirro.

Date:

Ciidamada Booliska iyo kuwa millatariga Magaalada Caabudwaaq oo iskaashanayo ayaa waxay kusoo qabteen Qamri iyo Dadkii ka ganacsanayay, ka dib howlgallo ay Saacadahii lasoo dhaafay sameeyeen.

Taliyaha Boliiska saldhiga degmada Caabudwaaq G/le Qalbi Axmed Cali oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen 7 kamid ah dadka ka ganacsada maandooriyaha Qamriga.

Taliyaha ayaa tilmaamay in maandooriyahaan laga soo geliyo dhanka Itoobiya, wuxuuna bulshada iyo dadka keenaba uga digay isticmaalka iyo ka ganacsiga Qamriga oo Diinta Islaamku mamnuucday isticmaalkiisa.

Khamriga ayaa lagu burburiyay goob fagaar ah oo ay ku sugnaayeen Dad weynaha Magaalada iyo saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidamada amniga Caabudwaaq.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Wasaaradda Howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...