Ra’iisul Wasaaraha Bakistan oo sheegay in aysan aqoonsaneyn Israel.

Date:

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in dalkiisu uusan aqoonsan doonin Israa’iil, ilaa ay halkaaasi ka jirto dowlad Falastiin ah oo ay aqbali karaan Dadka reer Falastiin.

Hadaladan Imran Khan ayaa imanaya maalmo kadib markii heshiis uu Maraykanku dallaal ka yahay uu dhex maray Imaaraadka Carabta UAE iyo Israa’iil,kaas oo qeexaya in caadi lagu soo celiyo xiriirka labadai Dal.

Wareysi uu siiyay telefishinka maxalliga ah ee Dunya News, ayuu Khan ku sheegay xukuumadda Islamabad ineysan raaci doonin arrinta la xiriirta aqoonsashada in Israel  ay tahay Dowlad.

Waxkastoo dalku sameeyo, mowqifkeenu waa mid aad u cad,arintaasina waxaa cadeeyay aasaasihii Pakistan] Quaid-e-Azam Muhammad Ali Jinnah  oo sanadkii 1948 xusay in aan la aqbali doonin Israa’iil inta Falastiin ay helayaan xuquuqdooda ”ayuu yiri Khan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...