Ururka Dalxiiska Adduunka oo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Agaasimihii Dalxiiska Cabdirisaaq Cabdullaahi.

Date:

War qoraal ah oo ka soo baxay ururka Dalxiiska Adduunka (UNWTO) oo xarun ku leh magaalada Madrid ee caasimadda Dalka Spain oo Nuqul kamid ah ay heshey Wakaaladda (SONNA) ayaa looga hadlay geeridii ku timid agaasimihii waaxda Dalxiiska ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya,marxuum Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi,oo ku shahiiday weerar argagixisadu ay ka geysteen Liido.

Waxay uga tacsiyadeeyeen mas’uuliyiinta wasaaradda,ehelada iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Cabdirisaaq.

“Dalxiisku waa qeyb muhiim ah,Malaayiin dad ah ayaa noloshooda ku maareeya oo ku tiirsan,weerarada nuucan ahna kaliya ma ahan xadgudub ka dhan ah sharafta iyo karaamada Aaadanaha,balse sdioo kale waa jariimo ka dhan ah dhaqaalaha,taasi oo ka imaanaysa burburinta hantida dadweynaha iyo dhismayaasha”.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Aadan Isaaq Cali Wafdin uu hoggaaminayay oo uu qeyb ka ahaa Cabdirisaaq ayaan la kulanay,oo shir maalgashi ah nagala qeybgaleen”. ayaa lagu yiri qoraalkaasi ka soo baxay ururka Dalxiiska Adduunka ee QM.

Ururka ayaa sheegay in ay wadashaqeyn fiican la lahaayeen waaxda Dalxiiska Soomaaliya,iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in halkaasi laga sii amba qaado,waxayna u rajeeyeen dadka Soomaaliyeed ee isbitaalada ku jira in ay dhaqsi bogsoodaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...