Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay maanta dalka dib ugu soo celiso 17 muwaaddin, kuwaas oo u badnaa maxaabiis laga soo daayay xabsiyo ku yaalla dalka Tanzania.
Maamulaha hay’adda IOM u qaabilsan illaalinta iyo caawimaadda muhaajiriinta, Isaac Munyae ayaa sheegay in ay qorsheynayaan howlo gudaha Dalka Soomaaliya looga fidinayo muhaajiriinta laga soo celiyo xabsiyada Caalamka.
Qorshaha lagusoo daayay maxaabiista ayaa waxaa gacan ka geystay Ergayga gaarka ah ee xuquuqda Carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Dalka Ambassador, Maryan Yaasiin, Wasaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, hay’adda IOM Somalia iyo Tanzania iyo Safaraadda Soomaaliyeed ee Dalka Tanzania.
Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay munaasabad loo sameeyay dadka la soo celiyay ayaa uga mahadceliyay hay’adihii juhdiga iyo dedaalka ku bixiyay soocelinta dadkan.