Ra’iisul Wasaaraha dalka Lebanon oo is casilay.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnaan Xasan Diab ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Ra’iisul Wasaare ee dalka kaddib qaraxii dhawaan ka dhacay caasimadda Beirut oo ay ku dhinteen in ka badan 200 qof, halka ay ku dhaawacmeen 6,000 (lixkun) oo kale.

Mr. Xasan Diab ayaa arrintan kaga dhawaaqay Warbaahinta Dowladda Lubnaan maantii aheyd  kaddib markii ay isa soo tareen dibad baxyada dowladda lagaga soo horjeedo.

4 August 2020 ayay markii qarax aad u xooggan uu ka dhacay bakhaarro ay ku keydsanaayeen hub si sharci darro ah ku yiilay dekadda tan iyo sanadkii 2013kii kaasi oo sababay bur bur hantiyeed oo lagu qiyaasay in kabadna toban bilyan, halka ay ku guryo beeleen 300,000.

Shacabka ayaa waxa ay mas’uuliyiinta dowladda ku eedeeyeen inay wadaan falal musuq maasuq ah iyo maamul xumo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...