Madaxweynaha Galmudug oo sheegay shirka Dhuusamareeb in uu ku dhicidoono waqtigii lagu talagalay.

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo safar shaqo u jooga dalka Turkiga ayaa sheegay in shirka Dhuusamareeb uu dhici doono xilligii lagu balamay, oo ku began 15 bishan Agoosto .

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo qudbad ka jeedyay kullan eek u soo dhaweyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Istanbul ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara shirka Dhuusamareeb 3, lana tixgeliyo reer Galmudug.

“Waxaa balansan oo madlan gogoshii Dhuusamareeb 3 oo ay tahay in go’aamo wax ku ool ah oo waqtiga hadda lagu jiro, iyo arrimaha Soomaaliya horyaala looga tashado oo lagu gaari lahaa ayaa noo taala 15 bisha agosto, waxaa ku kalsoonnahay sidii madaxdii soomaaliyeed caasimadda galmudug loogu soo dhoweeyay in shirka soo socda loogu soo dhoweyn doono”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Sidoo kale waxaa uu uu ku baaqay in dhammaan Madaxda uu la xiriiray, ayna rajeynayaan in la tixgeliyo oo la dhowro, si la isugu yimaado gogosha soo socda ee Dhuusamareeb 3 ee lagu balansanyahay 15 bishan Agoosto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda...

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,...

Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo La kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta...

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska...