Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii ciidamada ilaalada Madaaxtooyada Puntland.

Date:

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu tiiraanyada la qeyb-sanayaa geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G. Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi la wadaagayaa dhammaan ciidamada qalabka sida ee Puntland, si gaar ah ciidanka Daraawiishta, gaar ahaan ciidanka Madaxtooyada, eheladii qaraabadii qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Marxuumku.

Taliyihii ciidanka madaxtooyada Alle Naxariistii Janno haka waraabiyee ayaa ku geeriyoodey hawlgal ay ciidanka madaxtooyadu saaka ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacayo oo ay kusoo qabteen mukhaadaraad iyo shufti nabadiid ah oo ka ganacsanayey.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay Alle ha u naxariistee Marxuum G.Sare Cismaan Cumar Maxamed in uu ahaa shakhsi wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, sarkaal daacad ah oo ku wanaagsan hogaaminta ciidanka, waxa uu Alle u weydiiyey inuu naxariistii Janno ka Waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka reer Puntland, ciidamada Qalabka sida, kuwa Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. Sidoo kale waxa uu Alle uga baryey Madaxweynuhu intii ku dhaawacantay inuu u booga dhayo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka

Shirkadda difaaca Turkiga ee Bogazici Defence Technologies waxay soo...

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

WAR SAXAAFADEED Ciidanka gaar ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee...