Booliiska Puntland oo gacanta ku dhigay koox ka ganacsanaysay Khamriga.

Date:

Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF iyo kuwa Booliska ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay xeradda Kabidda oo ku taalla bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland.

Howlgalkan ay sameeyen Ciidamada waxaa lagu soo qabtay Khamri badan iyo rag hubeysan oo ka gacansanaayay maandooriyaha, waxaana inta uu socday howlgalka ay Ciidanka iska caabin kala kulmeen raggii hubeysnaa.

Qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu qabtay 5 kamid ah raggii ka gacansanaayay maandooriyaha Khamriga, halka mid kalena ay Ciidanka dhaawac u geysteen,waxaana goobta howlgalka laga sameeyay ay saldhigga ugu weyn ee lagu iibi jiray Khamriga iyo Maandooriyaasha kale,sida qoraalka lagu sheegay

“Waxaa ciidamada Amniga Puntland , PSF, (PMP BIRMADKA ) iyo Booliska ay howlgal culus ay ka fuliyeen xeradda Kabidda magaalada Galkacyo halkaas oo gabi ahaan ay ciidamada amniga ka howlgalaya gobolka ay gacanta ku dhigeen rag ka ganacsada maandooriyaha khamriga. Waxaana howlgalka lagu dhaawacay mid kamid ah raggaasi waxaana gacanta lagu dhigey 5 kamid ah oo kuwa ka ganacsada maandooriyaha khamriga oo caadeeystayaal ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Booliska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...