Dowladda Soomaaliya oo xabsi cusub ka hir-gelineysa Galmudug.

Date:

Sii hayaha xilka Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya , Garyaqaan, Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in ay koofurta Magaalada Gaalkacyo ka hirgelin doonaan Xabsi weyn oo casri ah, ka dib safar shaqo oo uu shalay ku gaaray halkaasi.

Wasiirka caddaaladda maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay si weyn usoo dhoweynayaan qorshaha ay Dowladda Soomaaliya xabsiga uga dhiseyso koofurta Magaalada Gaalkacyo, kaasi oo uu sheegay inay baahi weyn u qabaan.

Sii hayaha xilka Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa inta ay ku sugan yihiin Magaalada Gaalkacyo waxay u kuur geli doonaan Xabsiyada Degmada iyo xaaladda maxaabiista ku jirta, iyagoo kulamo la qaadan doono madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...