Muxsiniin looga mahadceliyay taageero ay siiyeen agoon iyo dad dan-yar ah.

Date:

Bariyaasha dugsiga Imaamu Shaafici ee magaalada Xuddur, ayaa qabtay xaflad ay ugu mahad celinayeen dadka muxsiniinta ah ee taageera waxbarashada dugsigaas oo wax lagu baro arday agoon iyo danyar isugu jira.

Dugsiga Imaamu Shaafici ee Xuddur waxaa dhigta 300 oo carruur ah kuwaas oo aan awoodin in ay iska bixiyaan kharashka waxbarashada.

Maamulka dugsiga, Sheekh Axmed Sheekh Ibraahim, ayaa sheegtay in ay aad ugu mahdineyo walaalaha hiilka waxbarashada la garab taagan, isagoo xusay in Alle ka sokow, taageeradooda ay ku socoto waxbarashada Iskuulkan.

Labo nin oo midkood yahay Turki oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa bixiya kharash macalimiinta dugsiga Imaamu Shaafici ee magaalada Xuddur.

Xafladda waxaa ka qeybglay bahda waxbarashada gobolka Bakool, waalidiin, maamulka degmada Tiyeeglow iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...