Tirada dhimashada uu COVID-19 ku dilay Maraykanka oo kor u dhaafaysa 150,000 ruux.

Date:

Mareykanka tirada dhimashada ee feyraska Corona ayaa dhaaftay 150,000 oo ruux, taas oo ah tirada ugu badan oo corona uu ku dilay dalkaas.

Ku dhowaad 16.5 milyan oo kiis ayuu hadda marayaa COVID-19, iyadoo 9.7 milyan oo qof ay ka bogsoodeen guud ahaan caalamka, tirada dhimashada adduunka ee feyraska ayaa gaaraya 659,000 qof, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins.

Mareykanka ayaa ah dalka ugu horeeyay kiisadka feyraska Corona, afhayeenka aqalka wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa arbacadii fartay dhammaan xubanaha aqalka in ay xirtaan afxirka ama Face Mask.

Waxay sheegtay in xildhibaanka uu iska furo marka uu hadlayo ka dibna looga baahan yahay in uu xirnaado.

“Guddoonka, dhammaan xubnaha golaha iyo shaqaalaha waxaa looga baahan yahay in ay raacaan tilmaamaha caafimaadka kuna dadaalaan badqabka saaxibadooda golaha la fadhaya iyo dadka kale ee ku hareereysan ,” ayay tiri Pelosi.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii sanatorka jamhuuriga ah ee Louie Gohmert, oo diidi jirey xirashada afxirka, arbacadii laga heley xanuunka COVID-19, sidoo kalena sadex kamid ah saaxibadiisa la karaantiiley.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee...

Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan...