Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland oo kormeeray Dhismooyin laga hirgeliyey Gaalkacyo “Sawirro”

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray Dhisme loogu talagalay in ay xarun u noqoto Xafiisyada Hayáddaha Dowladda ee Gobolka Mudug iyo Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale oo isaguna dhismihiisu meel wanaagsan marayo.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif muuse nuur oo Madaxweynaha uga warbixiyey xarumaha uu kormeeray.
Xarunta dhismaha Dowladdu waa xarun loogu talagalay inay xafiisyo u noqoto inta badan Hayáddaha Dowladda ee Gobolka Mudug, sida Guddoomiyaha Gobolka iyo qaar ka mid ah Wasaaraddaha Dowladda, waxaana uu qorshuhu yahay in dhowaan dhismihiisa la dhameystiro.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu kormeeray Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale, Madaxweynaha ayaa ku dhex-lugeeyay garoonka si uu u arko qeybaha kala duwan ee Garoonka iyo sida dhismuhu u socdo.
Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale ayaa meel wanaagsan uu maraya dhismihiisu , waxaana uu Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu ballan qaaday in Dowladdu dhameystiri doonto dhismaha garoonka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...