Madaxweynaha Jubbaland Oo La Kulmay Xildhibaannada Laga Soo Doorto Deegaannada Jubbaland.

Date:

Madaxweynaha dowlad Goballeedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee ku matala Jubbaland.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo Xildhibaannada ayaa waxaa uu ahaa mid la isku xog wareystay Xaalada guud ee dalka iyo Arrimo kale oo ku aadan deegaanada Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu dhamaan Xildhibaanada maamulkaas ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, RW Xasan Cali Kheyre, Madaxda maamul Gobaleedyada dalka, Ururada Bulshada Rayidka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, iyadoo halkaas uu uga furmay Shir looga tashanayo arrimaha Doorashooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...