Guddoomiyihii Degmada Wadajir Oo Xilka Laga Qaaday

Date:

Wareegto kasoo baxday gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Filish ayaa xilka looga qaaday Guddoomiyihii degmada Wadajir Mudane C/raxmaan Maxamed Cali.

Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa gudoomiyaha cusub ee degmada Wadajir loogu magacaabay Bashiir Maxamed Ow Cali oo walaalo yihiin Guddoomiyaha xilka laga qaaday.

Waa markii ugu horeysay ee uu duqa Muqdisho xilka ka qaado guddoomiye isla markaana u magacaabo qof ay walaalo yihiin, Guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday C/raxmaan Maxamed Cali ayaa ka mid ahaa dhalinyarada xooggaga Wadaniyiinta kuwaasoo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir guddoomiyaal looga dhigey.

Sababta xilka looga qaaday C/raxmaan Ow Cali oo ah Guddoomiyihii hore ayaa waxaa lagu sheegay inuu wax ka qaban waayay dhibaatooyinka ka jira degmada Wadajir ee G/ Banaadir.

Guddoomiyaha Cusub ayaa ah dhalinyaro wuxuuna horey uga soo shaqeeyey Dowladda Hoose ee Xamar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...