Dab Xooggan Oo Qabsaday Dhul Beereedka Deegaanka Wisil

Date:

Maamulka Deegaanka Wisil ee Gobalka mudug ayaa faah-faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay Dab xooggan oo qabsaday Dhul beereed badan oo ku yaallaa Deegaankaasi.

Wararka laga helayo Deegaankaasi ayaa sheegaya in ku dhowaad 20 beerood ay gubteen Xoolana waa ku dhinteen, sida ay warbaahinta Qaranka Soomaliyeed u sheegeen maamulka Wisil ka dib markii Dab xooggan ka dhashay Deegaanka Maraadheere oo ka mida deegaanada Hobyo hoos yimaada.

Guddoomiyaha Deegaanka Wisil Cali Xasan oo Warbaahinta Qaranka la hadlaayay ayaa baaq u diray Hay’adaha, Dowladda Somalia iyo Maamul Goboleedka Galmudug inay ka jawaabaan dhibaatada Hantiyadeed ee soo gaaray muwaadiniinta Soomaliyeed ee ku dhaqan Deefaankaasi, iyadoo ay qaar ka tirsan Beeralaydii khasaaruhu soo gaaray ayaa ka hadlay sida uu khasaaraha dabka ka dhashay uu gebi ahaanba u saameeyay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...