Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka tacsiyeeyay geerida mid ka mid ahaa Shaqaalaha Wasaarada.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay geerida mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo Xalay ku geeriyooday qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Wasiir Xasan Xaaji ayaa waxaa uu tacsi ugu diray Eheladii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma, Ilyaas Maxamed Sheekh Cabdikariim oo ahaa Wiil dhallinyaro ah kana tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda.

“Wasaaradda Cadaaladda waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma Ilyaas Maxamed Sh Cabdikariim oo kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda, wuxuuna ahaaya Shaqsi Allah kusifeeyey akhlaaq iyo howl-karnimo, waxaana Allah uga baryeynaa inuu Naxariistiisa kawaraabiyo, anakana Samir iyo iimaan” ayuu yiri Wasiir Xasan Xuseen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta ku...