Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka tacsiyeeyay geerida mid ka mid ahaa Shaqaalaha Wasaarada.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay geerida mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo Xalay ku geeriyooday qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Wasiir Xasan Xaaji ayaa waxaa uu tacsi ugu diray Eheladii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma, Ilyaas Maxamed Sheekh Cabdikariim oo ahaa Wiil dhallinyaro ah kana tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda.

“Wasaaradda Cadaaladda waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma Ilyaas Maxamed Sh Cabdikariim oo kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda, wuxuuna ahaaya Shaqsi Allah kusifeeyey akhlaaq iyo howl-karnimo, waxaana Allah uga baryeynaa inuu Naxariistiisa kawaraabiyo, anakana Samir iyo iimaan” ayuu yiri Wasiir Xasan Xuseen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...