Booliiska Gaalkacyo Oo Gacanta Ku Dhigay Gaadiid Dhuxul Siday Daawo “Sawirro”

Date:

Ciidanka booliiska ee gobolka Mudug ayaa maanta qabtay 10 gaari oo siday dhuxul taas oo horey u mamnuuceen mas’uuliyiinta Galmudug, si loo badbaadiyo degaanka, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka gaashaanle dhexe, Qaasim Shirdoon Cali, ayaa sheegay in sii wadayaan howlgalka lagu baacsanayo dadka sida sharci darada ah u jara dhirta si looga hor tago xaalufka ku imaan kara degaanka.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug, C/raxmaan Cali Diiriye, maanta warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in uu bogaadinayo ciidankii ku guuleystay in ay soo qabtaan gaadiidkan siday dhuxusha, isagoo intaas ku daray in jarista dhirka lagu mamnuucey wareegto madaxweyne.

Waxaa uu intaas ku daray in ka maamul ahaan ka go’an tahay fulinta awaamiirtaas ka soo baxday madaxda ugu sareysay maamulka Galmudug.

Ciidanka ayaa gaadiidkan soo qabtay xilli ay isku dayayeen in ay si dhuumaaleysi ah dhuxusha ku geliyaan suuqyada magaalada Gaalkacyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...