Ciidanka xoogga Dalka oo ka warbixiyay howl-gallo ka dhacay Shabeellada dhexe

Date:

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka fuliyay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellada dhexe.

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janeraal , Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in ujeedka howl-galka oo soconayay maalmihii lasoo dhaafay uu ahaa mid lagu doonayay in degaannadaasi looga saaro Kooxda Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waa qawaariij waxayna mar walbaba dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo hantida shacabka ka dhigtay biil iyo inay Hooyooyinta dhibaataysan dhacaan, taasna waxaan ugu jawaabnay howl-gallo lagu baacsaday cadowga laguna laayay, haddana waa wadi doonnaa Inshaa Allaah, ayuu yiri Taliyuhu.

Taliye Tareedishe ayaa sheegay in ay howl-galka ay ka sameeyeen Sagaal Tuulo oo ay ka mid yihiin Jariirroow, Dhumaleey, Madax Gisi, Saarsaare,Buulo mareereey iyo Gumarreey, isla markaana aysan Argagixisadu samayn wax iska caabbin kana firxadeen goobihii ay Ciidanku gaareen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...