Nin ku labisnaa dharka Dumarka oo Balcad lagu qabtay

Date:

Ciidamada Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxay xalay gudaha degmadaasi ay ka qabteen Nin la sheegay in uu ku labisnaa dharka Dumarka,kaasi oo Magaalada lagu arkay.

Ninkaan oo aan wadan wax hub ah ayaa dadka ku nool degmada Balcad ay sheegeen in laga qabtay, isaga oo dhex socda bartmaha Magaalada, hase yeeshee aan la ogeyn waxa uu damacsanaa.

Saraakiil ka tirsan Maamulka degmada Balcad ayaa dhankooda sheegay in Ninkaasi ay xabsiga dhigeen, isla markaana baaritaano ay ku socdaan, sidoo kalena ay uga shakisan yihiin in uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...