Taliska Booliska Soomaaliya oo faafaahin ka bixiyay Qaraxii ka dhacay laanta Canshuuraha.

Date:

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo Saakay lala beegsaday waaxda ilaalada Canshuuraha Biriga oo ku taalla kasoo horjeedda Dekedda Muqdisho gaar ahaan  Dhabarka dambe ee Xarunta degmada Xamarjajab.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Shan ruux oo ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka ilaalinayay xarunta.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska rasaas ku fureen ka hor inta uusan soo gaarin xarunta Ilaaladda Canshuuraha, islamarkaana uu ku geeriyooday kaliyah qofkii waday gaariga Qarxay.

Afhayeenka ayaa nooca gaariga qarxay ku sheegay in uu ahaa kuwa raaxada  ee loo yaqaana Surf Madow ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kampala

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Safiir Axmed Moalim Fiqi, oo dhawaan...

Guddoomiyaha SoDMA oo deeq Gargaar ah kala wareegey Safiirka Imaaraadka Carabta 

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Mudane. Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Wasiirka Arrimaha gudaha FS oo xilalka u kala wareejiyey Guddoomiyihii hore HQB Iyo midka cusub 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, Mudane...