Wejigii 2-Aad Shirweynaha Dib U Heshiisiinta Beelaha Oo Ka Furmay Galbeedka Gobalka Mudug

Date:

Wejigii Labaad Shirweynaha Dib u heshiisinta beelaha daga galbeedka Gobalka Mudug Oo Ka furmay dagmada Goldgob ayaa waxaa Ka Qeyb Galay masuuliyiin ka kala socatay dowlada gobaleedyada Galmudug Iyo Puntland xildhibaano ka socotay laba aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka Siyaasiiyiin Waxgarad Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Beelaha Colaaddu Ka dhexjirtay

Furitaanka Shirweynaha ayaa waxaa ugu horeyn ka Hadlay Gudoomiyayaasha Gobalka Mudug Ee Puntland Iyo Galmudug Cabdi Ladiif Muuse Nuur Iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal Waxaana Ay Bogaadiyeen Dadaalada dib u heshiisiinta ee ka socanaya Gobalka Mudug

Maymuun Cali Nuur oo ku hadleysa magaca Haweenka kulanka Ka Qeyb Galay Ayaa Iyana Ka Hadashay Saameeynta Colaaduhu Ee Ay Ku Yeesheen Hooyooyinka Soomaaliyeed Ee Ku Nool Gobalka Mudug

Ugu Danbeyna Waxaa Furitaanka Shirweynahaan Oo Socoan Doona Muddo Dhowr Maalmood Ah Ka Hadlay Wasiirka Wasaarada Tamarta Iyo Biyaha Galmudug Maxamuud Kaarshe Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...