Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgalo Ka Wada Gobalka Hiiraan

Date:

Taliyaha Ururka 39 Aad Qeybta 27 aad ee ciidanka xoogga dalka, Dhamme Maxamed Ibraahim Daa’uud ayaa sheegay in fuliyeen howlgal lagu adkeynayo amniga deegaanada hoos taga degaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan.

Waxaa uu intaas ku daray, howlgalka u jeedkiisu yahay in la soo qabto kooxo falal amni daro ka geystay degaanka maalmo ka hor.

Maxkamadda ciidanka ee qeybtaas ayaa dhowaad amar ku siisay saraakiisha in ay soo qabtaan dadka ku howlan waxyeeleynta shacabka isticmaala inta u dhexeysa Beledweyne iyo deegaanka Jawiil.

Taliye ku xigeenka guutada 5 aad ee qeybta 27-aad Korneel Maxamed Cabdi Xasan ayaa sheegay in in ciidanku u taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed wixii dhibaato ku hayana ay gacan bir ah ku qaban doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...