Ciidanka Xoogga Dalka Oo Qabtay Rag Lagu Tuhmayo Nabad-diidka Al-Shabaab

Date:

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa  howlgallo ballaaran ka sameeyeen deegaanno hoostaga magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor oo maalmo ka hor gaaray deegaannada Jilib Marko iyo Gandershe oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha hogaaminaysay howlgalladaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

Gobalka Sh/ Hoose oo  ay weli ku dhuumaaleeysanayaan haraadiga maleeyshiyada Al-Shabaab ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo milatari oo ciidanka xoogga dalka ay ka wadaan Gobalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...