Wasiirka Maaliyadda Oo Soo Dhoweeyay Bankiga Adduunka Oo Ansixiyay 55 Milyan Ee Kabka Misaaniyadda Dowladda Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Duacaale bayle ayaa sheegay in Bankiga aduunka uu ansixiyay 55 milyan oo lagu kabayo miisaanadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa aan aad ugu faraxsanahay in Bangiga Aduunka uu ansixiyay in Soomaaliya la siiyo $55 milyan oo ah Caawimaad loogu talagalay kambka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag.

“Lacagtaan deeqda ah waxa aan ku mutaysanay Maamul Wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee aan ku talaabsanay sadexdii sanadood ee la soo dhaafay.
Waxaa muhiim ah in aan ku dadaalno sidii aan dakhliga dalkeena u sii kordhin laheyn anagoo kaashaneyna shacabka iyo ganacsatadeena, ilaa iyo inta aan isku filnaasho ka gaaridoono”.

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku guuleysatay dib habeynta dhaqaalaha taasi oo ay ka dhalatay in hay’adda dhaqaalaha aduunka ay Soomaaliya ku amaaneen sida ay u maareysa nidaamka hufnaanta dhaqaalaha dalka iyo heerka ay ka gaartay arrimaha deyn cafinta

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...