Madaxweyne Deni Iyo Wafdi Uu Horkacayo Oo Qardho Tagay

Date:

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee Gobalka Bari, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay wasiiro ka tirsan xukuumadiisa iyo mas’uuliyiin kale,  halkaasoo ay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Qardho ay diiran ugu soo dhoweeyeen.

Ujeedka Safarka madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu yahay sidii uu tababar ugu soo xiri lahaa Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo tababar muddooyinkii dambe ugu socday deegaannada Qardho iyo Badhan.

Inta uu ku sugan yahay Qardho madaxweye Deni ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa maamulka magalada Qardho iyo odayaasha dhaqanka qaarkood, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...