Ciidanka Xooga Dalka ayaa Fashiliyey weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo saakay waabirigii hore ay ku soo qaadeen Maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab Saldhiga qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka ka degan yihiin Deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Galgaduud.
Maleeshiyaadka Argagixasadda ayaa weerarka u adeegsaday gaari nuuca loo Layla Calaawe ama Land ruser oo ah gawaarida inta badan loo adeegsado Safarradda Goboladda Dalka.
Ciidanka Xooga ayaa ka war helay dhagarta kooxda Alshabaab ay la damacsanaayeen Saldhiga Qeybta 21aad ee Degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Galgaduud waxaana ay ku fureen risaas taas oo keentay inuu qarxo gaarigii sidaasna ay ugu dhamaadeen Dhagar qabayaashii weerarka soo qaaday.
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug ayaa sheegay in weerarkaas ay ku shahiideen Alle ha u naxariistee labo Askari oo ahaa naftii hurayaashii is hortaagay dhagarta ay damacsanaayeen Maleeshiyaadka argagixisada.