Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa laga bilaabay dhismaha wadadii labaad oo Laami ah, taas oo qeyb ka ah Mashaariicda wadaaga ah ee xoojinta nabad galyada iyo is dhaxgalka Bulshada magaalada Galkacyo
Mashruucan bilowga ah ee lagu dhisaayo wadadii labaad oo Laami ah ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta maamulka dagmada Galkacyo iyo xubno matalayay Bulshada magaalada ku dhaqan.
Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Galkacyo C/raxmaan Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ay qeyb ka tahay mahsaariicda lagu xoojinayo nabad gelyada magaalada, Isla markaana ay si wadajir ah u fulinayaan maamulada dowladda hoose ee Galkacyo ee Galmudug iyo Puntland oo gacan ka helaya Hay’adda SSF.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale xusay in dhismaha wadada ay wax weyn ka badeli doonto Bilicda Iyo Ganacsiga Ka Jira Magaalada Gaalkacyo.