Tirada Bukaanada Covid-19 Ee Brazil Oo Gaaray 1 Milyan

Date:

Dalka Baraasiil wuxuu noqday dalka labaad ee ay dadkiisa u geeriyoodeen xanuunka faafa ee corona virus, iyada oo la soo sheegaya in COVID 19 gudaha Baraasiil ay ugu dhinteen dad gaaraya  50,000, tiradaasi oo ka sareeysa dhimashadii Corona Virus uu ka geeystay Boqortooyada Ingiriiska.

Guud ahaan Cudurka ayaa lagu waramayaa in gudaha dalkaasi kula dhacay 1 Milyan oo qof oo ku kala sugan dhammaan gobolada dalkasi.

Dalka Mareykanka oo kaliyah ayaa ka horeeya dhimashada dunida ee dalka Baraasiil sida ay xaqiijisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO.

Bahda C/fimaadka Baraasiil ayaa sheegay in cudurka uu si ba’an ugu faafay gudaha dalkaasi ka dib markii ay dowladda diiday in xayiraad lagu soo rogo isu socodka dadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...

Dhismaha cusub ee Kumaandooska Gor Gor oo xarigga laga jaray

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...