Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Doodaya Qoondada Haweenka

Date:

Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ayaa maanta kulan ku leh xarunta KMG ee Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaana shir guddoomin doono guddoomiyaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, kaasi oo dhowaan ka soo laabtay safarkii uu ku tegay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Xildhibaanada ayaa kulankooda kaga doodaya xeerka qoondada haweenka oo ka mid ah afarta xeer ee guddiga wadajirka ah loo xil saaray in ay soo diyaariyaan.

Waxaana dooda diirada lagu soori doonaa in 30% ay helaan haweenka oo ah qoondada ay ku leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kalfadhigaan oo ah kii 7-aad ee golaha shacabka ayaa ugu dambeeya muddo xileedka baarlamaanka 10-aad ee dalka, waxaana u dhiman oo kaliya bilooyin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...